Soomaaliya oo taageero ka raadineysa shirka ururka NAM

KAMPALA — Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa toddobaadkan ka furmaya shir madaxeedka Ururka aan dhanna raacsaneyn, iyadoo wufuud ka kala socota Soomaaliya iyo shacabka Falastiin ay u ololeynayaan sidii ay taageero uga heli lahaayeen ururkan.

Falastiiniyiintu ayaa ugu baaqaya xubnaha ururkan inay raadiyaan hab lagu soo afjaro colaadda Gaza, halka Soomaaliya ay sheegtay inay u baahan tahay taageero si ay u ilaaliso madaxbannaanida dhulkeeda.

Xaliima Athumani ayaa warbixintan Kampala ka soo dirtey,waxaa soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.

.

.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.