Shirka dalalka dhex-dhexaadka ah oo ka dhacay Kampala

KAMPALA — Waxaa magaalada Kampala shalay ka dhacay kulan ay lahaayeen isbaheysiga wadamada ay siyaasadoodu dhex-dhexaadka tahay oo ay ku jiraan Austria, Costa Rica, Finland, Ireland, Japan, Liechtenstein, Malta, Mexico, Monaco, San Marino, Sweden iyo Switzerland.

Kuulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayay doorka dalalkan dhex-dhexaadka ah ay ka qaadan karaan horumarinta, wada-hadalka, Iskaashiga iyo nabadda adduunka.

Wariyaha VOA-da Khadar Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

.

Xigasho: VOA

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.