Sidee ayay Koonfur Afrika uga falcelisay go’aankii Maxkamadda ICJ?

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa ayaa Jimcihii shalay ku amaanay Maxkamadda Caalamiga in ay xaq u aragtay, xukunna ay ka ridday kiis dacwo ah oo ay ka gudbisay Israel.

ICJ ayaa shalay xukmisay in Israel ay qaaddo tallaabooyin ay uga fogaaneyso dhimashada dadka rayidka ah ee Qaza, islamarkaana ay u oggolaato gargaarka bani’aadnimo.

Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Africa ay dhinaca kale si weyn uga niyad jabsantahay in maxkamadu aysan Israel ku amrin in ay si deg deg ah xabadda u joojiso.

Kate Bartlett ayaa warbixintan ka soo dirtay Johannesburg, Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaana soo jeedinaya.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.