Garsoore Kaafi Xasan Shiine oo loo xushay in uu dhex dhexaadiyo Ciyaarta adag ee galabta

Muqdisho — Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa u xushay in garsooraha heerka caalamiga ah ee Kaafi Xasan Shiine uu dhex dhexaadiyo kulanka adag ee kama dambeysta tartanka Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee maanta dhexmaraya Galmudug vs Hirshabeelle.

Garsoore Kaafi Xasan Shiine waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha caalamiga ah ee u diiwaangashan Hay’adda FIFA, waxaana uu hore uga soo muuqday kulamo ka tirsan tartankan.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.