Ciidamada Puntland oo howlgallo dad lagu xiray ka sameeyey Boosaaso

BOOSAASO — Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka billaabay inay saladhigyada u taxaabaan dad ay ka qabteen gudaha magaalada.

Qabqabashada ayaa imanaysa iyadoo dhowaan magaalada Boosaaso ay ka dhaceen falal amni darro oo dad lagu laayey, inkastoo laamaha amnigu aysan rasmi ahaan uga hadlin taallaabooyinkan.

Weriyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac ayaa warkaan nooga soo dirtay magaalad Boosaaso.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.