Kenya oo liiska qaxootinimada Dhadhaab ka saareysa 40,000 oo qof

DADAAB — Dalka Kenya waxaa ku nool kumanaan qaxooti ah, waxaana ku yaala xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo lagu tilmaamo tan ugu ballaaran dunida ee ay qaxooti ku nool yihiin.

Laakiin, dad lagu qiyaasayo ilaa iyo 40 kun oo ka mid ah dadka xeryahaasi ku nool, ma aha qaxooti dhab ah waa Kenyan iska diiwaan geliyay xeryaha si ay nolol uga helaan ama ay uga faa’ideystaan fursadaha dib u dejinta shisheeye.

Haatan dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso inay dadka Kenyanka ah ee qaxootinimada isu diwaan geliyay, ka saarto liiska qaxootinimada, si markaa ay u raadsadaan aqoonsiyadooda Kenya.

Haddaba maxay tahay muhiimadda ay talaabadaan u leedahay dadka laga saarayo faraha qaxootiga , sideeyse u arkaan qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.