Midowga Afrika oo mar kale ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

MUQDISHO — Shalay waxa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedkii wadama Midowga Africa.

Shirka ayaa madaxdu ka soo saartay war murtiyeed ay ku cambaareeyeen weerarka Isreal ay ku heyso Qaza, iyaga oo dalbaday in Isreal ay joojiso dagalka Qaza, xayiraadana laga qaado Magaalada.

Dhinaca Africa, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan galbeedka Africa, Sudan, iyo xiisadda ka dhex oogan Ethiopia iyo Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray, Cabdicasis Barrow.

.

Xigasho: VOA

.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.