Muxuu Hamza Barre ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay Nairobi?

NAIROBI — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo xalay magaalada Nairobi kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, ayaa uga warbixiyay xaaladaha guud ee dalka.

Xamza ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay wax ka qabashada dhinacyada amniga, siyaasadda, dhameystirka dastuurka, iyo doorashooyinka.

Hadalka Rasisalwasaaraha waxaa soo dhoweeyay qaar kamid ah bulshadii uu xalay la hadlay kuwaasoo dhinacooda farriin iyo codsi u gudbiyay dowladda Soomaaliya.

Warbixin ku saabsan kulankii Jaaliyadda Soomaalida iyo Raisalwasaaraha waxaa noo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.

Xigasho: VOA

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.