Qaraxyo Lagu Weeraray Hotel Ku Yaalla Xeebta Liido

Qaraxyo ayaa goor dhow ka dhacay degmada Cabdicasiis gaar ahaan xeebta Liido oo habeenka Jimcada ay damaashaad u tagaan boqolaal qofood.

Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen mid ka mid ah Qaraxyada ayaa ka dhacay agagaarka biyaha gaar ahaan meel ay madadaalo ku qabsadaan dhalinyarada oo xigta dhanka biyaha.

Sidoo kale rasaas xoog leh ayaa socota iyadoo Sidoo kalena warar qaar ay sheegayaan in Hoteel la weeraray.

Qarax ka dib waxaa la maqlay qaraxyada Bambaanooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in la galay Hoteelka Beach view

Ciidanka Amniga ayaa la tacaalaya Falkaan. iyadoona wali aan la xaqiijin karin nooca qaraxa iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.