Maxaa Looga hadlay Kulanka Laamaha Amniga Dowladda iyo Taliska Gobolka Banaadir?

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed .

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale .

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaaladda nabad-galyada ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qayb-gashay .

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.