Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan laba geesood ah la qaatay dhigiisa Dalka Tanzania

Addis ababa –Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Ali Haji Adam ayaa Magaalada Addis ababa kulan laba geesood ah oo looga hadlay xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood la qaatay Wasiirka Caafimaadka Dalka Tanzania Marwa Jenista Mhagama.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada Caafimaadka sida isdhaafsiga Khibradaha Caafimaad ee labada dhinac iyadoo Tanzania ay dadaal ku bixisay yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka oo ay Soomaaliya ka faa’ideysan doonto iyadoo sidoo kale lagu xoojiyay Dhaqan-gelinta is-afgaradkii dhawaan ay kala saxiixdeen labada Wasaaradood.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka saaxiibtanimo ee kala dhaxeeya saaxiibada Caalamka si loo helo fursad wax is dhaafsi ah oo lagu horumarinayo Caafimaadka dalkeena.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.