Guddoomiyaha golaha shacabka BFJS oo la kulmay Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan baarlamaanada labada dal, waxaana Ku-simaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka baarlamaanada labada wadan.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.