Wasiirka amniga “ waan ku raad joognaa saraakiishii ka qeyb qaatay afganbi fashilmay


Isniin: December 27, 2021

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook-ga waxa uu ku sheegay in ay soo qab qabanayaan  waxa uu ku sheeay Saraakiishii ka qeyb qaadatay  afganbi fashilmay maanta.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in la difaaco dimiqoraadiyada iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay hayaan Magacyada qaarka mid ah saraakiishii ka Qeyb qaadatay iyo kuwii diiday in ay ka qeyb qaataan afganbigii maanta.

Hadalka wasiirka amniga ayaa ku soo aadayo, iyadoo weli xiisad kacsanaan ah ay u dhexeyo madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya