Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Garoowe

GAROOWE — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland, madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay dalka Qatar uu joogay.

Madaxweynaha  ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Garoowe uga qeyb-galaya caleemasaarka Madaxweyne Siciid Deni oo manta dhacaysa magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyay gaaray mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka, madaxweyne Deni ayaa markale dib loogu doortay hoggaanka Puntland.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.