Madaxweynaha oo soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku tegay Baydhabo

Muqdisho, 4 October 2016 (Villa Somalia) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib socdaal shaqo oo uu ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu ahaa dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa intii uu Baydhabo joogay waxaa uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada, maamulka, ciidammada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.

md-xasan-baydhabo-17 md-xasan-baydhabo-16

.

.

.

_________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *