Madaxweyne Farmaajo oo Safarkii 9-aad ku tagaya Dooxa

Muqdisho | QOL | May  22, 2017 –—Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu booqasho ku tago Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Amiirka dowladda Qatar ayuu Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Farmaajo , waxaana maalmaha soo socda uu gaari doonaa Magaalada Dooxa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Madaxweynaha ayaa sheegay in jeedka Safarada badan looga kol leeyahay horumarinta Xiriirka Caalamiga  ah .

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *