Maamulka Putland oo ka hadalay dagaal ciidamada Putlanad ay lagaleen xarakada AL-shabaab

Muqdisho  | QOL | June 08, 2017 —Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si weyn u baneeniyay wararka sheegaya in Alshabaab laayeen ciidamo badan oo katirsanaa Puntland oo ka howgalayay saldhiga Af-urur.

Wasiirka amniga Puntand ayaa sheegay dadka ay laayeen Alshabaab inay badankood yihiin, Odayaal, haween iyo Carruur  tuulada ku noolaa, Waxaa uu sheegay khasaaraha soo gaaray ciidanka inuu yar yahay, halka dhinaca kale uu sheegay inay Al-Shabaab ka dileen tiro badan.

Qarjab wuxuu sheegay ciidamadu inay haatan ku raad joogaan Al-Shaabab uuna socdo howlgal xoogan oo lagu raadjoogo Ciidamadii Al-Shabaab ee  weerarka ku soo qaaday tuulada Af-urur.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *