Qarx Goor Dhow Ka Dhavcay Deegaan Hooyimaad Balcad

Muqdisho  | QOL | June 15, 2017—Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qarax Miino lagula eegtay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Kolonyada oo ka soo ambabaxay deegaanka Xawaadleey kuna sii jeeday degmada Balcad lagu weeraray deegaanka Gololeey.

Qaraxaasi Miino ayaa waxaa xigay Dagaal fool ka fool ah oo Ciidamada dowladda Federaalka ka tirsan iyo Al Shabaab ku dhexmaray meesha Qaraxu ka dhacay.

Deegaanka Gololeey  ee weerarkaasi uu ka dhacay ayaa 7 Km u jira degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *