iska Hor Imaad Maanta Ka Dhacay Baladweyne

Baladweyne   | QOL | 20 Luulyo 2017Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaad khasaare geystay uu ka dhacay Saldhigga Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan Militariga ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska oo ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska.

Dagaalka ciidamada Militariga ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay Saldhiga Booliska Baledweyne.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Baladweyne 

___________________________________________

 

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *