Sawiro:-Marykanka Oo Maanta Xasuuq Ka Geesaty Bariire

Muqdisho | QOL | August 25, 2017 – Waxaa goor dhow la keenay magaalada Muqdisho Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo saaka waabarigii ay ciidamo Mareykan ah ku dileen agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay magacyadooda.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howl gal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya, waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib, halkaasoo diyaarado laga leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen.

 

01 02

6 04

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *