Madaxweynaha, Ra’islawasaaraha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka oo dalka kawada maqan

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — Saddexda Mas’uul ee ugu sarreysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka wada maqan dalka,waxaana hadda ku simaha madaxweynaha ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labo maalin ka hor Booqasho ku aaday Dalka Sucuudiga,isaga oo madaxda Sucuudiga kula kulmay Magaalada Jidda,halkaas oo uu ilaa hadda ku suganyahay

Ra’islawasaaraha Soomaaliya waxaa uu Newyork uga qeybgalay shirkii Golaha guud ee Qaramada Midoobey,halkaa soo uu ilaa hadda ku maqanyahay isaga oo kulamo la qaadanaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya oo ah ku simaha Madaxweynaha ayaa isna maanta u amba baxay Dalka Masar oo uu booqasho ku tegayo,waxaana ay taas ka dhigan tahay in saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dalka ka maqanyihiin.

Kawada Maqnaasho dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta dalka dib ugu soo laabto,soona gaba gabeeyo booqasho labo maalin ah oo uu ilaa hadda ku jiro dalka Sucuudiga.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *