Shir Muhiim ah Oo Maalmaha Soosocda Ka Furmidoona Muqdisho

Muqdisho | QOL | Disembar 02, 2017 – Waxaa lagu waddaa in maalinta Isniinta ah uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda Amniga ee guud ahaan Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya kuwa maamul goboleedyadda iyo Madaxda ciidamada AMISOM.

Waxaa uu daba socdaa Shirkaasi , shirkii horay uga dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in uu muhiim yahay Shirkaasi.

Yariisow ayaa sidoo kale xusay in dhammaan ay kasoo qeyb gali doonaan Shirkaasi  Hay’adda Ammaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *