Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)

Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidowwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud
  • Xoghayaha Guudwaxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *