Dil goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay goor dhow halkaasi ku dileen Askari ka tirsan ciidamada loo yaqaano Taraafikadda.

Sidda ay Qaranimo Online ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxaha dilka geystay ayaa watay Bastoolado, waxaana la sheegay in dilka ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan, waxaana Muqdisho lagu dilay Maalmihii lasoo dhaafay dad u badan dhalinyaro.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *