Musharax Laftagareen”Xildhibaannada Federaalka Buuqii & Dagaalkii Xamar Ku Hayeen Yeysan U Soo Rarin Baydhabo”

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Musharax Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Cabdi Casiis laftagareen ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo waxa ay doonaan ka sheega xaalada Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed,xilli dhawaan la filayo inay Magalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha KGS.

“Hadii doorasho la gelayo kuwa wax dooranayo ma ahan xildhibaanada federaalka ee waa kula koonfur Galbeed,shaqadooda federaalka uga taalo ha qabsadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka,laakin dagaalkii & buuqii ay Xamar ku hayeen yaysan usoo rarin Baydhabo”

Isaga oo sii hadlayay musharax laftagareen ayaa waxa uu ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka in maalin walba ay ka been sheegeen xaalada Magalada baydhabo,isla markaana ku tilmaamaan in magalada lagu duulay oo la qabsaday,waxaana uu uga digay inay arrintaasi sii wadaan.

Musharax Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana dad badan ay  aaminsan yihiin in dowladda federalka Soomaaliya ay wadato.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *