Madaxweyne Dani Oo Oo Maanta La Caleemo Saarayo

Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Shalay Magalada Garoowe waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Madaxda Dowlad Goboleedyada,Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadeed qaarkood,gaar ahaan Xisbiyada  ay kala hoggaamiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Amniga Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kusii qul qulayay dad u badan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda  federaalka oo Garoowe u arka inay tahay Goob ay kusoo bandhigi karaan dhaliilaha ay u qabaan dowladda Soomaaliya.

Madaxda Puntland ayaa isku-dayaya xakameynta khudbadaha musharixiinta,waxaana shalay jirtay in taliyaha booliska iyo Wasiirka warfaafinta ay siwadajir ah u sheegeen in aan la baahin karin wararka Xisbiyada ,sidoo kalena lasoo bandhigi karin astaamo iyo waxyaabo kale.

Garoowe ayaa markii ugu horeysay waxaa ay kulmisay Siyaasiyiin ku kala aragti duwan xaalka Siyaasadeed ee dalka,waxana Maanta la filayaa in uu halkaasi u gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah Madaxda Xaflada lagu casuumay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *