Sawirro:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Soo Gaaray Muqdisho

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye.

Safarka uu Muqdisho kusoo gaaray Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan KGS,waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wafdigan ayaa Muqdisho kaga sii gudbi doona Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland,iyadoo halkaas uga qeyb galaya Shirka shanaad ee Golayaasha xeer dajinta ee halkaasi shalay ka furmay.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Saacadaha soo socda la filaya in iyagana ay gaaraan Garoowe.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furmay Shirka shanaad ee Golayaasha xeer dajinta.

Shirkan ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto kaas oo ay yeeshaan Golayaasha xeer dajinta heer federaal iyo heer dowlad Goboleed,isla markaana ay qeyb galayaan shirkaas xildhibaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *