Wafdi ka Socda Dalka Masar oo Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka iyo Kuliyadda Jaalle Siyaad

Muqdisho | QOL | April 29, 2019 – Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji  oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar.

Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga  Dalka Masar General  Waxiid Ibraahim Khafaaji  ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *