SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Hoggaanka Ahulsunna

Muqdisho | QOL | September 03, 2019 —Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta uu kulan gaar ah la qaatay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biiray Galmudug.

 

Guddoomiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa waxaa ay ku booqdeen Ra’iisul Wasaaraha hoyga uu ka degan yahay Magalada Dhuusamareeb.

 

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii yaraa ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka & Ahlusunna iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay.

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku bogaadiyay Madaxda Ahlusunna dadaal ay geliyeen sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan,waxaana uu ka dalbaday inay arrintasi dowladda ka gacan siiyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *