SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo shir ka furay Muqdisho

Muqdisho | QOL | September 17 2019 —Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay ay ka qayb-galayaan xubno ka socda beesha caalamka ee ku sugan muqdisho,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish ) iyo Xubno kale.

 

Shirka ayaa waxaa looga hadlaaya Arrimo ay ka mid yihiin  siyaasadda Qaran ee daryeelka bulshada,waxaana Xubnaha Beesha Calamka ee shirka ku sugan ay balan qaad cusub oo la xiriira Arrimaha daryeelka Bulshada u sameynayaan Soomaaliya.

 

Warmurtiyeed ayaa la filayaa in laga soo saaro geb-gabada Shirka oo ka socda Xarunta Xalane ee Magalada Muqdisho,halkaas oo ay dega yihiin Xubnaha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *