Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay xilka qaadistii Dhoobo-Daareed

Mogadisho  –December 27-002019 | —Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay xilka qaadistii Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaas Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa 7 Bishii November ee sanadkan 2019 kulan deg deg ah oo ay yeesheen waxaa ay xilkii ka qaadeen Dhoobo Daareed walow uu qaadacay xilka qaadistaas.

Madaweyne Deni ayaa iska fogeeyey Eedeyn ku saabsaneyd in Xukuumadda Puntland ay dhaqaalo badan ku xiisay xilka qaadistaas,hayeeshee Xildhibaanada ay  guteen waajibkooda.

10 Bishii December ayay sidoo kale kualn ay yeesheen Xildhibaannda Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay xasaanada Xildhibaanimo ay ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *