Dowladda Somalia oo Amaro kusoo rogtay Gaadiidka Dadweynaha

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin horleh oo lagu xakameynayo faafitaanka Cudurka Coronavirus oo dad ay ugu dhinteen Soomaaliya kuwo kalena ay la jiifaan.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ku amray Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee ka Shaqeeya Muqdisho inay yareeyaan dadka badan ay ku qaadi  jireen Gaadiidkooda.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in Gaarigii horay u qaadi jiray 30 Ruux hadda laga doonayo in uu qaado 15 Ruux,waxaana Ciidamada ilaalada deegaanka uu ku amrey inay tallaabo ka qaadaan ciddii aan u hogaansamin Amarka.

 

Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Dowladda Soomaaliya ay waxka yeeshay Bandowgii saarnaa Muqdisho oo bilaabanaya 8:00 Fiidnimo laga dhigay  7:00 Fiidnimo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *