Wafdi uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Oo Gaaray Baladweyne, si uu uga Qeyb galo aaska Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

February  25, /2/ 2021

Wafdi uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir imaam Maxamuud qeybna aay kayihiin Wabaro Ugaasyo iyo salaadiin ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdigaasi ayaa Beledweyne kaga qeyb galaya aaska iyo tacsida Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Muqdisho ku geeriyooday.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Odayaal Nabadoono iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Diyaaradda sidda meydka Marxuum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa goor dhawayd ka Dagtay Garoonka B/weyne.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya