Goor dhawayd Garoonka Ugaas khaliif waxaa laga dajiyay Maydka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ugaaska Xawaadle oo ku geeriyooday Muqdisho

February  25, /2/ 2021

Wararka ka imaana Gobolka Hiran ayaa sheegaya in Goor dhawayyd la geeyay Halkaas Maydka Allaaha unaxariistee  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska Beelweynta Xawaadle oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

 Waxaa  Garoonka ku soo dhaweeyay salaadiin Boqolaal dadweyne ah, wax garrad uu ka mid ahaa Ugaaska Beesha Cayr oo halkaas gaaray saacado ka hor.

Diyaarada waxaa Saarnaa Masuuliyeen kala Duwan oo is kugu jiro Wasiiro Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxaana hogaaminayo Generaal Muqtaar Xuseen afrax Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya