Dowladda Kenya oo afti dadweyne u qaaddayso qorshaha BBI oo la doonayo in wax looga badalo dastuurka dalka Kenya..

February 25, /2/ 2021

Dowladda Kenya ayaa isku diyaarinaysa inay afti dadweyne ay u qaaddo qorshaha la doonayo in wax looga badalo dastuurka dalka Kenya kaasoo aftida kadib lagu wado in Kenya ay yelan doonto ra’iisla wasaare.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii inka badan 30 ismaamulada dalkaasi ay ansixiyeen qorshaha BBI ee (Building Bridges Initiative).

Dhinaca kale, madaxda gobbolka Soomalida ee Waqooyo Bari ayaa waxa soo baxaya inay ku kala aragtid duwan yihiin qorshahan oo aysan isku raacsanayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya