- Muqdisho, 6da Maarso, 2021:-Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Puntland ayaa muddo lix cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.
- Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonaan.
- Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taas oo ku aadan in ay diideen inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.
- Magacyada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee mudada 6 Cishada ah loo qabtay ayaa waxaa uu Xeer ilaaliye kuxigeenka Punland ku kala sheegay.
- 1: Saciid Cali Cabdullaahi oo u shaqeeya Hay’adda UNDP
- 2: Maxamed Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP
- 3: Xaawo Cumar Maxamuud oo u Shaqeeysa UNDP
- 4: Cabdixakiin Cabdullaahi Nuux u Shaqeeya WFP.
- 5: Saciid Abshir Yuusuf oo u Shaqeysa FAO.
- 6: Cabdullaahi Warsame Maxamed oo u Shaqeeysa RCO
- 7: Maxamed kuluc Faarax oo u Shaqeeya Hay’adda WHO
- 8: Cabdixakiin Barre Nuur oo u Shaqeeya WHO
- 9: Cabdinuur Cismaan Maxamed oo u Shaqeeya WHO.
- 10: Cabduqaadir Saciid Cabdiraxmaan oo u Shaqeeya WHO.
- 11: Axmed Maxamed Nuux oo u Shaqeeya WHO.
- 12: Cismaan Cabdinuur Cumar oo u Shaqeeya WFP.
- 13: Maxamed Xasan Cusmaan oo u Shaqeeya Hay’adda FAO.
- 14: Samiiro Xasan Cismaan oo u Shaqeeysa UNFPA
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
