Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay xilliga uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaadiga

Muqdisho, April 15 2021–Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ayaa  Qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, waxa ay ku wargelisay dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha 5-aad ee May , 2021.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa loogu rajeeyay guul Ardayda Soomaaliyeed, iyada oo loogu baaqay inay u diyaar garooban imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________