Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle oo kulan la leh Midowga Musharaxiinta

Muqdisho, April 15 2021–Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan leh Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka socda guriga Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo Madaxda u sameeyay afur.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kulankaan ayaa looga hadlaya arimaha doorashooyinka gaar ahan muddo kordhintii dhawaan ay sameeyeen Xildhibaanada Muddo xileedkoodii dhammaaday ee Golaha Shacabka.

Wixii kusoo kordha kala soco Qaranimo Online

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________