Dagaalka caawa ka socda Muqdisho oo ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama

April 25, 2021 

Wararka caawa ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in uu wali socdo Dagaalkii goos gooska ahaa ee afurkii ka dib ka bilaawday agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku  faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Sidoo kale Ciidamo uu Wato farxaan Qaroole   ayaa la sheegay in ay ku go’dooneen inta u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo Treebiyaano.

Office Nairobi Kenya