Rooble iyo Dowlad Goboleedyada oo la filayo in bilowga todobaadka soo socda shir ku yeeshaan Muqdisho.

Talaado:  June 22 2021

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in ay bilowga todobaadka soo socda shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Dhinacyada oo xalay wada-hadal Khadka Zoom-ka ku yeeshay, ayaa isku raacay in Sabtida todobaadka soo socda ay shir isu’gu yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo dardar geliyo Hawlaha Doorashooyinka.

Guddiga Farsamada oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay hor-tagan shirka, islamarkaana ka jeediyaan Qorshayaasha Arrimaha Doorashooyinka ee soo socda.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaruhu magacaabi doono Guddiga  Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban heer Dowlad Goboleed kaas oo aysan ku jirin Jubaland.

Office Nairobi Kenya