Rooble oo raalli gelin siiyay Guudlaawe si uu uga soo Qeyb galo Shirka Muqdisho

Isniin: June 28 2021

Ra’iisla wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa raalli gelin siiyey madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe”

Raali gelintan ayaa ka danbeysay kagadaal markii maamul uu horkacayo Guudlaawe ay ka biyo diideen shir lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, kaasoo lagu falanqeynayo heshiiskii doorashada ee bishii hore la gaarey.

Guudlaawe, ayaa ka booday shirka lagu waday iney isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Muqdishoa ayaa la qorsheynayaa inuu ka dhaco shir ay dowladda federaalka Soomaliya iyo maamul goboleedyada ay ugga arrinsanayaan hore u sii wadista doorashada guud ee dalka.

Doorashada ayaa marar kala duwan waqtigii loo asteeyey dib ugga dhacdey.

Office Nairobi Kenya