Dhagayso:- Safiirka Soomaaliya ee South Afrika oo kahadlay xalada Soomaalida Dalkaasi

South Afrika  | Abriil 25, 2017  – Safaadarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa wada qorshe xal loogu helayo dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysanayo dalkaasi.

Halkan Ka DHAGAYSO

Danjire Jamaal Maxamed Barrow  Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay iney baarayaan sababaha keenay in dadka ugu badan ee Soomaaliyeed lagu dilo Gobolka Western Cape ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Safiirka ayaa sheegay inuu talooyin dhowr ah ka helay kulamo uu la qaatay bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay samayn doonaan Wacyi galin si dadka Soomaaliyeed ay uga taxadaraan dilalka loo geysanayo,wuxuuna ku booriyey bulshada Soomaaliyeed iney xoojiyaan Midnimadooda.

555

43

2

1

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | south afrika 

_______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *