Maamulka Hirshabele Oo Ku Baaqay in Lakala Saaro Iyaga Iyo Maamulka Gobalaka Banadir

Muqdisho | QOL | may  04, 2017—Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha xuduudaha ee maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay Maamulka Hirshabeellle iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay reer Muqdisho iyo reer Hirshabeelle in ay yihiin dad walaalo ah, balse maalmahan uu jiro khilaaf yar oo la xiriira xuduuda, labada dhinac.

Sheekh Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha Qaranka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan waxna ka qabtaan.

Magaalada Jowhare ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa shalay gaaray Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha Qaranka, kuwaasi oo aqoon isweydaarsi u qabtay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *