Howlgallo ka socdaQayaba kamidah Muqdisho

uqdisho | QOL | May  22, 2017 –—iidamada dowladda Soomaaliya ayaa Saakay howlgallo kala duwan waxaa ay ka bilaabeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Howlgallada ayaa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Waxaa howlgalkaan si wadajir ah u fulinaaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Sida ay Q.O.L sheegeen dadka degaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo qabqabtay dhalinyaro badan intii uu socday howlgalka ,waxaana dhalinyarada ugu badan laga soo qabtay Degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda  Siligga.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa joojinaaya Gaadiidka dadweynaha ,islamarkaana dadka gaariga saaran mid mid u baaraya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa q.o.l u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *