Muxuu Kayiri Cumar C/Rashiid Go’aankii Ay Ka Soosaartay Xukuumada C/Kariin Qalbi Dhagax ?

Muqdisho | QOL | 09 September 2017 – Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Sharmaake ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

Isaga oo sii hadlayay ayaa dhanka kale waxa uu khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Ethiopia.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *