DEG-DEG:- Qarax goodhow ka dhacay Muqdisho

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017— Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay halkaasi lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday mid ka mdi ah kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM, sida ay Qaranimo Online u sheegeen Dadka Degaanka.

Ilaa iyo Hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Qaraxa kadib waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *