Soomaaliland Oo Xukun Ku Riday Dad Loo Heysto Dil Dhacay Sanadkii 2016

Hargeysa  |  QOL  |  Mar  01 2018  –Maxkamada Gobolka Sanaag Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta wax ay xukuno kala duwan ku riday oo isugu jiray xarig iyo Ganaax 13 Ruux oo loo heystay dilka Cabdi Xakiin Maxamed Cabdullaahi oo bilaawgii Sanadkii 2016 lagu dilay Magaalada Ceerigaabo.

Dacwada eedeysanyaashaas ayaa soo bilaabatay 20,kii Bishii Octoper ee Sanadkii 2016,waxaana Maanta ugu dambeyn ay Maxkamada Racfaanka Gobolka Sanaag ay xukuntay.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Sanaag Sheekh Maxamed Axmed Cabdalle ayaa ku dhawaaqay Xukunka waxa uuna sheegay in 10 ka mid ah eedeysanayaasha lagu xukumay min Saddex Sano oo xariga ah iyo Diyadii Marxuumka.

Sidoo kale Saddexda Ruux oo kale ayuu sheegay gudoomiyaha in  lagu xukumay min Saddex Milyan oo Shilinka Soomaaliland ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *