Taliyaha Asluubta Oo La kulmay Dhiggiisa Qadar

Dooxa  |  QOL  |  Mar  01 2018  –Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qatar oo ku yaal Magaaladda Doha, waxaana halkaasi ay kula kulmeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Dalkaasi.

Taliyaha oo ay la socdeen Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Aslubta iyo Sarakiil kale, ayaa mid mid u tagay qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe ee Doha, waxaana qeybihii uu tagay kamid ahaa, Waxbarashada, Farsamadda, Warshaddaha, Maktabadda iyo Qeybta Jimicsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Qatar S/guuto Maxamed Sacuud Naasir Al Otaibi, ayaa kawada hadlay dhismaha Xabsiyadda Soomaaliya, in Qibraddaha Shaqo la is dhaafsado, horumarinta isgaarsiinta Ciidanka iyo arrimo kale.

S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa guul ku tilmaamay wada hadalka dhex maray labada dhinac, isaggoo tilmaamay in Safarka uu ku yimid Qatar iyo Heshiisyadda Dowladdaasi ay la galeen miro dhalkooda dhowaan la arki doono.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dooxa

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *