AKHRISO: Qodobadda looga hadlaayo kulanka golaha shacabka ee maanta

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu waddaa in ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan.

Kulankaan ayaa markii ugu horreysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Xeerkan ayaa shalay waxaa ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

 

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *