Dowlada Kenya oo ka hadashay qarixii ka dhaccay Dhoobleey

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Dowladda Kenya ayaa Faahfaahin ka bixisay qarax xooggan oo lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.

Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ah saddex babauur oo ku jirtay rondo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in Qaraxaasi oo ahaa Miino ay ku dhinteen Askar ka tirsan ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kalena ay ku dhawaacmeen kuwo kale.

Sarkaalka  ka tirsan ciidamada Kenya ayaa  sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi 7 Askari sidoo kale laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada hadda ay howlgallo ka waddaan goobtii ay wax ka dhaceen, islamarkaana ay ka aargudon doonaan Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay inay dileen ilaa 15 askari oo reer Kenya ah.

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *